(sno) news » 50 sano kadib somaliya aduunka ma hogaamindoontaa mise waa ku hafandoontaa.

MUQDISHO:- Marka indhahaagu qabtaan ciwaankaan qormadeyda waxaa suuro gal ah in aad  u aragto wax iska qeyru caadi ah balse waa riyo macquul ah.

Tan iyo markii jamhuuriyadii Somaliyaa ay udbaha u siiben jabhado  hubeysan , waxaa ka qarxay dalka dagaalo  aad u qaraar , kuwasoo ilaa iyo hada socda, iyagoo wajiyo badan yeeshey.

Inta ay socdeen dagaaladaas waxaa dadka soomaliyeed maalinba maalinta ka dambeysa ay ka sii tilaabayeen xuduudaha wadamo shisheeye, waxeyna ku kala faafeen dhamaan caalamka intiisa badan.

Faafitaanka Somalida ee aduunka wuxuu isasiitarayey hadba  marka ay sii kororto colaada ka aloosan wadan kooda Hooyo ee Soomaaliya, waxayna si miir la’aan  ah uga tilaabeen xuduudo  ka gudbidoodu aad u adagtahay.

Waxaan  intaas sii dheer Soomaalida sida muuqata  ma noqon dad meel iska fariistay ee waxay dedaalo xoogan ka galeen meelihii ay tageen ha ahaadeen dhinaca wax barashada, dhaqaalaha, iyo wixii horumar ah ee ay ku tilaabsan kareen.

Waxaa muuqaneysa maanta in  inta badan caalamka ay ka dhisanyihiin jaaliyado wax qabadkoodu muuqdo sidey donaan wax ha u qabteene, in kastoo jaaliyadahaas qaarkood ay si xun usii shideen dabkii ay uga carareen  dalkooda, hadana waxaa xusid mudan in nolosha Soomaalida gudaha ku jirta ay Qatar gali laheyd hadii aan  jaaliyado  jiri lahayn.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqanaya in Soomaalidu ay mudnaan  ku dhexyeesheen wadamadii iyo bulshooyinkii ay dhexgaleen, waxaana la arkayaaa wadan hebel oo maanta  mawaadin Somaliyeed isku soo taagy jago  xildhibaanimo  ama  Gudoomiye Gobol iyo jagooyin kale oo muhiin ah, taasi oo ah mid aad saro ugu qaadeysa sharafta dadka Somaliyeed.

Dhinaca kale  waxaa meesha ka maqan  nabad galyadii ay dib ugu soo laaban lahaayeen wadankooda si ay horumar u gaarsiiyaan, waxeyna Soomaalida qurbo joogta ah u muuqdaan waqtigaan  diyaarad  garoonkii ay ka kacday duqeysey hadana la’ meel ay ku dagto.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalidu  waqti xaadirkaan hadii ay heli lahaayeen nabad galyo buuxdo waxaa suuro gal ah in ay wadankooda u hogaamiyaan in uu noqdo hogaanka caalamka, marka aan sidaas leeyahay mahan fikrad Qar iska tuurnimo ah , balse  waa wax macquul ah waayo  Soomaalidu waxey horumar ka sameynayaan dhamaan inta badan caalamka, waxaan suuro gal ah in  50 sano kadib ay soo baxaan dad Somaliyed oo  kala hogaaminaya  bulshooyin kaladuwan taas oo mac quul ka dhigeysa in ay noqdaan  dad muhiim u ah isku xirka caalamka, taa badalkeeda  hadii ay adkaato in nabad degdeg ah aan lahelin, dagaaladunu ay sii socdaan  iyogoo sii casriyoobaya, waxaa macquul ah markaas in la waayo  cid ku nool  gabi ahaanba gayigii la oron jiray Somalia, waayo  dadka intii ka bixi kartana wey ka bixi doonaan intii kale wey ku dhamaandoonaan  taasna waa waxaan ilahay ka magan galeyno.

w/qorey,,xasan macalin xusen(pilot)
[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *